Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Oo Is-Casilay

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor-dhow ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda raysal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa is-casilaaddiisa sabab uga dhigay kala duwanaansho dhinaca fikirka ah oo u dhaxeysa isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya.












