Xaaska Amiirka Imaaraadka Carabta Oo U Baxsatay Dalka Jarmalka, Lana Tagtay Lacag Malaayiin Dollar Ah

Dubai)-Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xaaska Hoggaamiyaha Dubai, ahna Madaxweyne ku-xigeenka iyo Raysal-wasaaraha Imaaraadka Carabta ay ka baxsatay Imaaraadka Carabta, iyadoo doonaysa inay Magangalyo waydiisato dalalka Yurub.

Madaxda Dawladda Imaaraadka Carabtu weli wax War kama soo saarin Xogta sheegaysa in Xaaska Hoggaamiyaha Dubai ay ka carartay Dalka.

Amiirad Haya bint Hussein ayaa ka mid ahayd lix Xaas oo uu guursaday Sheekh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, waxayna kaga carartay Wiil 7 Sano jir ah iyo Gabadh 11 jir ah oo ay isaga u dhashay, sida laga soo xigtay Daily Beast.

Haya oo xilligan da’deedu tahay 45 Jir ayaa waxa dhalay Boqorkii Geeriyooday ee Dalka Jordan, boqor Xuseen.

Xogtu waxay intaa ku daraysaa in Xaya bint Hussein ay u baxsatay Jarmalka, iyadoo hore u sii qaadatay Lacag gaadhaysa 40 Million dollar, si ay nolol cusub halkaa uga bilowdo.

Markii ugu dambaysa ee la arko Haweenaydan ayaa ahayd bishii May ee sannadkan, xilligaasi oo ay Magangalyo ka codsatay Jarmalka, codsigaasi oo laga ogolaaday, sida ay ku warrantay Daily Beast.

Berlin ayaa lagu eedeeyay inay diidday Codsi uga yimid Sheikh Maktoum, kaasi oo ahaa in Xaaskiisa dib loogu soo celiyo Dubai.

Tallaabadaas ayaa keeni karta qalalaase diblumaasiyadeed oo labada dal soo kala dhex gala.

Waxa la sheegay in xilligan ay Xaaska Sheikh Maktoum ay isku qarinayso goob qarsoodi ah oo ku taalla London.

Akoonnadii ay ku lahayd Baraha Bulshada ayaan shaqaynayn illaa bishii February ee Sannadkan.

Waxa la soo weriyey inay Haya raadinayso sidii ay iskaga furi lahayd Ninkeeda reer Boqor, kaasi oo ay is-guursadeen sannadkii 2004-tii.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail
You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.