Xaflad Daah-fur Ah Boosaaso Loogu Sameeyey Buugga DERBI-JIIFKA YAA DAYACAY?

Boosaaso (Tvsle)- Bandhig lagu daah-furayay buug ka hadlaya Derbi-jiifka oo loogu wan qalay DANTA DERBI-JIIFKA YAA DACAY?, ayaa lagu qabtay madaalada Bosaaso. Waxaana buuggan qorey Qoraa Cumar Yuusuf Axmed (Cumar Shaafi) oo ah nin dhallinyaro ah.

Xaflladda lagu daah-furayay buugga oo ay ka soo soo qayb galeen dad kala duwan, ayaa waxa ka hadlay Cumar Yuusuf Axmed ( Cumar Shaafi) oo aha qoraaga buuggan DANTA DERBI-JIIFKA YAA DACAY? Ayaa yiri: “duu ku soo bandhigayey ayaa yiri “ Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, Suldaan Axmed Bashiir Ducaale, Nabaddoon Xarrago, Jaamacadaha, Iskuullada iyo dhammaan marti sharafta waxa aan ku salaamaya salaanta islaamka Asalaamu’Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatu. Salaan ka dib salaam ka dib, kolley aniga maanta maalmaha way iiga duwan tahay. Shalay iyo maanta oo isniin iyo Axad kala ahaa, haddana isniintu way iiga duwan tahay. Waxay ay iiga duwan tahay hawl adag, halgan dheer aannu soo wadnay alxamdulilaah maanta waxa aan ku guuleystay in aan soo bandhigo buuggaa oo aan idin la wadaago. Haddaba buugga hawhiisii ma dhammaan. Buuggaas hawshiisu ma ahayn in aan aan soo qoro, soo bandhigo, u soo jeedo, lagu kala dareero oo la tago. Muhiimmaddiisu waa in la dabbaqo oo sida wanaagsan looga faa’iidaysto.”

Qoraa Cumar Shaafi ayaa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka dhawaajiyey in lacagta ka soo baxda buuggaas uu 10% ugu deeqi doono derbi-jiifka ku nool magaalada Boosaaso.

Maxamed Cabdi Waaberi oo ah guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Puntland oo isna halkaa ka hadlayu, ayaa dadkii ka soo qayb galay ku soo dhoweeyey hoolka ay ka dhacaysay xafladdu, oo ahaa hoolka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland. G. X Rugta ayaa ku boorriyey ka soo qayb galayaasha in ay buuggan u dhug yeeshaan. Waxaana hadalladiisii ka mid ahaa: “Salaanta ka bacdi aad baannu ugu faraxsannahay ereyadan halkan ka muudqa, DANTA DERBI-JIIFKA YAA DAYACAY? Waa arrin aad u muhiim ah. Ninkii buuggaa qorayna waxa uu qorey runtii waxbadan oo dadka ka maqnayd, arrin weyn oo dadka ka maqnayd., waayo carruurtaasi carruurteennii ayey la mid yihiin. Waa carruur dayac derbi-jif u noqday”.

Madasha waxa kale oo ka hadlay Suldaan Axmed Bashiir Ducaale, suldaanka ayaa dhiirrigeliyey Cumar Shaafi. Waxa kale oo uu suldaanku sheegay in uu buugtaas 10 ka mid ah iibsan doono.

Khaalid Xasan Cali maamulalaha shirkadda ILO-TANGO ee gobolka Bari ayaa isna ka hadlay xafladdaas. Waxa uuna ku tiiq-tiiq saday muhiimadda buuggan uu u leeyahay bulshada. Khaalid ayaa sheegay in buuggan qofka iibsadaa uu sdaqo baxday, maadaama lacagta ka soo baxda saami lagu caawin doono derbi-jiidka dayacan.

Xasan Cabdalle Xasan oo ah guddoomiyaha Minhaaj ee gobolka Bari ayaa meesha ka hadlay. Sheegayna in Cumar Shaafi uu ahaa mirihii uu soo saaray. Al-Minhaaj ayaa iyaguna 5 ka mid ah buugtaas iibsaday.

Nadabaddoon Xarrago oo ka mid ah nabaddoonnada gobolka Bari ugu tunka weyn , kana mid ah, dadka sida gaarka ah ugu ol-ololeeya danaha derbi-jiifka ayaa waxa uu si mug leh uga hadlay in la caawiyo derbi-jiifka dantu ciishay. Nabaddoonka oo soo gunaanaday xafladda ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu buuggan u leeyahay bulshada iyo weliba derbi-jiifka.

Buuggan ayaa ugu danbayntii la kala hororsaday, dhammaan buugtaas na waxaa lagu dhammaystay xafladda.

Screenshot from 2016-03-04 10:27:32 Screenshot from 2016-03-04 10:27:48 Screenshot from 2016-03-04 10:28:01 Screenshot from 2016-03-04 10:28:14 Screenshot from 2016-03-04 10:28:28 Screenshot from 2016-03-04 10:28:38 Screenshot from 2016-03-04 10:34:52 Screenshot from 2016-03-04 10:35:29

Tvsle.net

Leave a comment

Your email address will not be published.




You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.