});

Xisbiga kulmiye Oo Madaxwaynaha Ka Difaacay Dhaliilo Ay Usoo Jeediyeen Xisbiyada Mucaaradku.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa difaacay khudbad sanadeedkii uu madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ka jeediyay fadhi ay iskugu yimaadeen labada gole ee baarlamaanka Somaliland. Gudoomiye Axmed Cabdi dheere oo la hadlayay muuqaal baahiyaha Bulsho TV ayaa sheegay inaanay lahayn khudbadii madaxwayne muuse Biixi meel la dhaliilo “Khudbadii madaxwaynaha ee khudbad sanadeedka ahayd madaxwaynuhu waxa uu yimid wakhitgeedii waanu jeediyay, waaxaanu kaga hadlay wixii uqabsoomay mudadaa sannadka ah iyo mustaqbalka waxa uu damacsanyahay, waxaan arkayay xisbiyada mucaaradka ah oo ka hadlayay dhaliilayayna Khudbadaa, wax la dhaliilana may ahayn” ayuu yidhi. Waxaanu intaasi ku daray “khudbad sanadeeda dastuuriga ahna masoo qoraan xisbiyada mucaaradka ah iyo Baarlamaankutoona, mana laha iyagu ee madaxwaynahaa leh, madaxwaynuhuna wakhigeedii ayuu soo qoray waxanu kaga hadlay arimo badan oo uu kamid yahay wax qabadkii la soo qabtay iyo haday tahay wax soo socda ee la qabanaayaba, waaxana filayaa meel laga dhaliilo inaanay lahayn khudbadaasi”. Labada xisbi mucaarad iyo qaybo kamid ah bulshada ayaa dhaliilo usoo jeediyay khudbad sanadeedka Madaxwayne Muuse Biixi jeediyay todobaadkan. Xisbiyada mucaaradka ah ayaa sheegay inaanu madaxwayne Muuse kaga hadal Khudbad sanadeedka arimo imika taaga sida waxa laga yeelayo golaha deegaanka oo wakhtigii loogu talagalay inay xilka hayaan gabaabsi yahay.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

Halkan ka Daawo Wariye Dalmar Oo London Ka Yimid Hargeysa Live Ku Soo Galay Iyo Waxuu Ku Arkay..

You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.