});

Xisbiyada UCID Iyo KULMIYE Oo Ka Hadlay Kulan Ay La Yeesheen Komishanka Doorashooyinka

Kulan ay maanta wada yeesheen guddida doorashooyinka Somaliland iyo xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa lagaga wada hadlay sidii loo sii wadi lahaa Arrimaha doorashooyinka golayaasha Wakiillada iyo deegaanka oo dabayaaqada sannadkan u qoondaysan inay dalka ka qabsoomaan.

Kulankan ay wada yeesheen gudida doorashooyinka qaranka iyo xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa markii uu soo dhamaaday waxa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.

Ugu horaynba waxa halkaa ka hadlay Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo sheegay inay gudida doorashooyinku qabteen hawl muhiim ah oo daah furaaya halkii ugu dambaysay ee ay maraysay diiwaangalintii indhaha ee dadka laga qaadayey isla markaana dib u habayn iyo casriyayn ay ku sameeyeen sawirkii indhaha ee doorashada lagu galayey.

Wasiirku wuxuu ka codsaday inay u diyaar garoobaan diiwaangalinta doorashooyinka golayaasha wakiiladda iyo deegaanada ee dalka ka qabsoomaya, isagoo xusay inay ka xisbiyo ahaan ku qanceen gudida doorashooyinka hawlaha ay qabteen una soo bandhigeen.

Dhankiisna guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in galdaloolooyinkii la xidhiidhay arrimaha doorashada wax badan laga qabtay, wuxuuna guddoomiye Faysal xusay in doorashooyinka Somaliland ay marxalado kala duwan soo mareen, imikana ay soo gaadhay meel lagu kalsoonaan karo, wuxuuna guddomiye Faysal u mahad celiyey cidkasta oo gacan ka gaysatay doorashooyinka Somaliland, gaar ahaan dawlada Ingiriiska oo uu tilmaamat inay door laxaad leh ka qaadatay.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inay golayaasha wakiilada iyo deegaanku muddo dhaaf yihiin isla maraakana loo baahan yahay in la bedelo wuxuuna cadeeyey in xisbiga UCID qabanayo codsiyada murashixiinta doonaya inay ka qayb galaan doorashada golayaasha wakiilada iyo deegaanka ee dalka ka qabsoomaysa dhamaadka sannadkan.

Facebooktwittergoogle_pluslinkedinrssyoutube
Facebooktwittergoogle_plusredditpinterestlinkedinmail

Halkan ka Daawo Wariye Dalmar Oo London Ka Yimid Hargeysa Live Ku Soo Galay Iyo Waxuu Ku Arkay..

You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.