Xukumada Kuuriyada Koonfureed oo aqbashay wadahadallada Ciyaaraha Olambigga

Dawladda Kuuriyada Waqooyi ayaa aqbashay in ay ka qaybqaadato wadahadallo heer sare ah oo toddobaadka soo socda dhici doona, sida ay sheegeen saraakiisha Kuuriyada Koonfureed.

Kulanka 9 Janaayo ayaa diiradda saari doona sidii loo heli lahaa jid ay ciyaaaryahannada Kuuriyada Koonfureed uga qaybqaadan lahaayeen ciyaaraha Olambigga ee xiliga qaboobaha oo bisha Feebaraayo ka dhici doona Kuuriyada Koonfureed.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay toddobaadkan in ka qaybqaadashada ciyaarahaas ay “noqon doonto fursad wanaagsan oo lagu muujiyo midnimada” dadka Kuuriya.

Kulanka ayaa la filayaa in uu ka dhaco Panmunjom oo xadka ku taalla.

Tuuladan loogu yeero nabadda ayaa ku taalla xadka milatariga ka caagan ee aadka loo ilaaliyo, halkaas oo taariikhiyan labada dhinac ay wadahadallo ku yeelan jireen.

  • Trump oo markale u digay Kuuriyada Waqooyi
  • Kuuriyada Waqooyi oo “xadday qorshaha duullaanka” Mareykanka
Panmunjom ayaa loo qaabeeyay in labada masuul ay ku kulmaanLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionPanmunjom ayaa loo qaabeeyay in labada masuul ay ku kulmaan

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan xafiiska madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed kulankani wuxuu ahmiyadda siin doonaa ciyaaraha xiliga qaboobaha.

Si kastaba ha ahaatee wuxuu wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap u sheegay in uu rumaysan yahay “in ay jiri doonto wadahadallo la xiriira sidii loo hagaajin lahaa calaaqaadka Koonfurta iyo Waqooyiga, ka dib marka ay Kuuriyada Waqooyi ka qaybqaadato Olambigga.

Sources;Bbcsomali

Leave a comment

Your email address will not be published.




You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.