Xukumada Soomaaliya Oo Heshiis Qarsoodi ah La Gashay Imaaraadka Carabta.

Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu dhabi, ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Mohammed bin Zayed Al Nahyan ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay September 25, waxa uu ku sheegay in dalkiisu heshiis la galay dalalka Soomaaliya iyo Masar, kadib wadahadal ay la sameeyeen dowladda Mareykanka si looga dhiso Magaalada Berbera ee waqooyi galbeed Soomaaliya dekad ganacsi midda ugu weyn dunida.

Berbera , waxa ay dhacdaa meel u dhow gacanka Cadmeed oo ah marinka “ Baab Al Mandab” oo ah goob laga go’doomin karo dekadaha iyo Maraakiibta wadamada Djibouti , Yemen, Saudi Arabia, Masar , Saldannada Cumaan iyo Bahrain.

Berbera waxaa Maamula Maamulka Somaliland oo sheegta inuu gebi ahaan ka go’ay Soomaaliya, balse dunidu ay u taqaan Maamul hoosaad ka tirsan dalka Soomaaliya.

Maamulka Somaliland iyo Shirkadda Dekedaha caalamiga ee Dubai ee loo yaqaan DP World  ayaa bishii May, 2016 ku kala saxiixdeen Magaalada Dubai mashruuc wadaag ah oo ku baxeysa lacag dhan $422 Million USD oo dib loogu dhisayo dekadda Berbera, ayna ku maamuleyso shirkaddaasi muddo dhan 30 sano.

Heshiiska Somaliland ay la gashay DP World oo ay iska dhega tireen Madaxweyne Xasan Sheekh Mohamud, Ra’iisul wasaarihiisa Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Hadliye Cumar inay cadeeyaan mowqifka rasmiga ah ee dowladda ayaa mar qura lagu soo baraarugay socdaal shaki dhaliyay oo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ku tagay Magaalada Abu dhabi, kulana kulmay Dhaxal-sugaha Imaaradda Abu dhabi Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

xasan-imaaraad

Lama shaacin waxa laga wada hadlay kulankaasi shakiga dhaliyay ee qabsoomay August 23,  ee qaab qaabilidda Madaxweynaha ay u ekeyd wax hareer marsan hannaanka lagu yaqaan diblomaasiyadda iyo hab maamuuska, balse sawirada laga qaaday fadhigaasi uu ka tarjumayay in gorgortan hoose la galayay.

Dad badan oo u dhuun daloola siyaasadda Soomaaliya, ayaa waxa ay sheegayaan in damaca waalan ee Isutagga Imaaraadka Carabta uu yahay mid halis siyaasadeed iyo dhaqaalle gelinaya mustaqbalka ifaya ee Soomaaliya, lana mid noqon doono mid la mid ah caqabadaha ka soo banbaxay heshiiskii iskaashiga ee Kenya lala saxiixday 2009 ee sabab u noqday in muran la geliyo  xuduud badeedka Soomaaliya ay la wadaagto Kenya, iyadoo dhowaan Dowladda Soomaaliya ay hordhigtay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ” Hague” feylka ku saabsan arrintaasi, labada dalna ay aragtiyo iska horjeeda kala dhiibteen.

Isla September 25, waxaa Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka soo baxay War saxaafadeed ku qornaa luqadda “ English” oo uu ku sheegay in haddii dib loo doorto uu ka shaqeyn doono xoojinta waxa uu ugu yeeray xiriirka istiraatiijiyadeed ee dowladdiisu la leedahay Isutagga Imaaraat-ka Carabta.

Sida heshiiska Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ay la gaartay Soomaaliya, waxa uu qeexayaa in Imaaraat-ku ay ka aas’aasi doonaan dekad ganacsi xeebaha Soomaaliya oo kaalin muhiim ka cayaari doonta ganacsiga caalamiga ah.

Fulinta heshiiskaasi , waxa uu ka qeyb qaadan doonaa xoojinta ammaanka marin biyoodka “ Baab Almandab”, halkaasi oo dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay ka dooneyso inay ka sameysato saldhig milatari oo dhanka badda ah .

Waxaa la tilmaamay in fulinta heshiiskan uu ka hor’imaanayo Istiraatiijiyadda Sacuudiga iyo siyaasadeeda ku aadan Marin biyoodka “Baab Almandab”, taasi oo aaney marna ogolaan doonin Dowladda Boqortooyada Saudi Arabia in Dowladdu Imaaraat-ku maamusho marin biyoodkaasi muhiim-ka ah.

Waxaa sidoo kale, arrinkan diidmo kala hor’imaan kara wadamada Djibouti, China iyo Ethiopia.

Djibouti iyo Ethiopia waxaa ka dhaxeeya heshiisyo ganacsi iyo mid milatari, waxaana labada dal ay ka heleen taageero dowladda China oo u dhistay khad tareen oo isku xira Magaalooyinka Addis Ababa iyo Djibouti , si la mid ah Ethiopia waxa ay saanadeeda milatari , raashiin iyo agabyada kale oo ay ku jirto gaadiidka iyo qalabka elektaroonikada ay kala soo degtaa Dekadda Djibouti oo  si casri ah dowladda China ay u dhistay markii dekaddaasi laga ceyriyay Shirkadda DP World oo hore u maamuli jirtay, halka Djibouti iyo Imaaraat-ka xiriirkooda diblomaasiyadeed muddo gaaban noqday mid mugdi galay.

xasan-imarad1

Dowladdo badan oo ay ku jirto Iran iyo Israel ayaa marar badan isku dayay inay Soomaaliya heshiis la galaan si ay u maamulaan marin biyoodkaasi istiraatiijiga ah oo halis gelinaya ammaanka qaranka qaar ka mid ah wadamada carbeed.

Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta waa dowlad yar , aan laheyn awood balaaran oo dhanka milatariga ah, balse ku xeel dheer abuuridda qalaanqal siyaasadeed iyo mid ammaan, iyada oo adeegsaneysa lacagaha ay ka hesho iibgeynta shidaalkeeda.

Sida saraakiil sirdoon ay hore u xaqiijiyeen , Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta waxa ay ku lug laheyd afgembigii dhicisoobey ee dalka Turkiga ka dhacay July 15, ee shacabka dalkaasi oo taageero weyn u muujiyeen Madaxweynahooda Recep Tayyib Erdogan ay ka hortageen ciidan is abaabulay oo xukunka awood kula wareegi rabay, Dowladda Soomaaliya ayaa noqotay dowladdii ugu horeysay ee diidmo adag kala hortagtay afgembigaasi fashilmay, halka Dowladda Imaaraat-ka ay dhaleeceysay afgembigaasi 24 saac kadib markii si rasmia ah loo ogaaday inuu guul dareystay.

Saraakiisha sirdoon, waxa ay kale oo xaqiijiyeen in Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta ay ka dambeysay afgembigii aan dhiigga ku daadan ee Milatariga Masar ay xukunka kala wareegeen Madaxweynaha xabisan Mohamed Morsi .

Morsi ayaa xukunka laga tuuray July 3, 2013 muddo sanad kadib markii si dimoqraadi ah loo doortay, waxaana afgembiyay Taliyihii ciidamada xilligaaasi, haatanna ah Madaxweynaha dalkaasi General Abdel Fattah El-Sisi.

Sources;jowhar

Leave a comment

Your email address will not be published.


*


You have the expected "Mercedes" and "snowflake" handsets, but you also have a tag heuer replica sale handset, and a sword-style one as well. Each of these four handsets are paired to a dial design that is appropriate, and you then have the choice of two different lume hublot replica within each, modern or vintage, as well as the replica watches sale of whether or not you want a date display. That is a lot of variety to pack into 8 different watches, but the longines replica uk manage to be a cohesive look. This is due to the fact that the NTH Subs share a breitling replica sale case made of 316L stainless steel, of course.